Qoraalka Warka Bukaanka
Flu_Som_Proofed | Somali | Translated March 05
Page 1 of 8
© NHS Direct 2005
Ifalada
Qaybaha mawduucan:
Hordhac
Calaamadaha
Sababaha
Cilad-sheegid
Daaweyn
Dhib-korodh
Ka-hortagga
Tixraaca
Baro la doortay
Qaybo cod ah
Hordhac
Ifilada (oo loo yaaqaano oo kale infuluwensa) waa cudur ku dhaca sambabada iyo qaybta
sare ee marinada hawada waxana sababa fayras keena cudurka ifilada oo qofku qaado.
Fayrasku waxa uu ku fidaa sambabada iyo marinada hawada. Waxa jira saddex nooc oo
ah fayraska ifilada, loona yaqaano A, B & C.
Calaamadaha guud ee lagu yaqaano waa qandho ama xumad sare oo dhakhso qofka ugu
dhacda oo leh xanuun iyo juucjuuc. Badanaa qofka waxa ka luma nafsadda cuntada ama
waxa ku dhacda cunto-diido, lallabo iyo qufac adag oo aan xaako lahayn. Dadka intooda
badan calaamadahaasi waxay ka yaraadaan 2-3 malmood ka dib, waxana ay dareemaan
inay soo wacnaanayaan 5-8 malmood gudahood, inkastoo qufac iyo daal guud hayn karo
muddo ah 2-3 todobaad.
Fayraska ifiladu waxa caadi ahaan uu fidaa isagoo ah dhibco yaryar oo ah candhuuf uu
qufacay ama uu hawada ku hindhisay qof qaba cudurka. Waxa kale oo cudurka fidin karta
taabashada gacmaha ku wasakheysan ama wata fayraska.
Waxay qaadataa muddo ah 1- 4 malmood (celcelis ahaan 2 malmood) marka qofka uu galo
cudurka ilaa inta uu isku arkayo calaamadaha buuxa ee cudurka. Dadka qaba ifilada waxay
caadi yihiin yihiin kuwo cudurka fidin kara maalin ka hor intaanay iyagu isku arkin
calaamadaha cudurka waxayna ay sii ahaadaan kuwo fidin kara cudurka qiyaastii 5
malmood ka dib bilawga calaamadaha ifilada. Waxa laga yaabaa in caruurta iyo dadka
hooseeyo habkooda difaaca ay sii ahaadaan kuwo fidin kara cudurka muddo intaa ka dheer.
Sidaa daraadeed waxa wacan in la iska ilaaliyo dhamaan xidhiidhka aan lagama-
maarmaanka ahayn ee lala yeesho dadka kale muddada cudurka la qabo.
Ifiladu caadi ahaan waxay gudaha Boqortooyada Midowday (UK) ka dhacdaa bilaha
jiilaalka, laga bilaabo Bisha Tobnaad ilaa Bisha Afraad.