Flu_Som_Proofed | Somali | Translated March 05
Page 3 of 8
© NHS Direct 2005
waxyeellida sambabada. Waxa kale oo jirta in ifiladu aanay qofka ku ridin dareenka ah
"madax culays" la isku arko marka la qabo hargab
Sababaha
Bahda fayraska ifiladu waa A, B and C. Wax la og yahay in fayrasyadu is beddelan marka
muddo la joogaba. Waxa kaloo jira in fayrasyada ifilada lagu magacaabo goorta iyo meeshii
markii ugu horeysay lagu gartay laguna siiyay lambar taxane ah.
Ifilada A way ka imaansho badan tahay kuwo kale (taasoo ah labadii ilaa saddexdii
sannadood kasta) waana mid ka culus kuwa kale. Waxay u badan tahay in dhallan-rogonto
waxana ay si joogto ah u soo saartaa noocyo kale oo dadku aanay u lahayn adkaysi.
Waana sababtaan darteed in aafo cudur oo balaadhan ku dhaca qaarado dhan
(Pandemics). Kuwan waxaa sababa nooc cusub oo ah fayraska A.
Guud ahaan, ifilada B waxay keenta cudur ka dhibaato yar kii hore, waxana ay masuul ka
tahay cudur faafis ka sii tiro yar ka hore.
Nooca C waxa uu caadi ahaan keena cudur khafiif ah oo u eeg hargabka caadiga ah.
Sannado dhaweyd, laba nooc hoosaad ka tirsan nooca A ayaa dadka ku dhex wareegayay,
waana nooc hoosaadka H1N1 iyo H3N2 noocyada u eeg Panama ama Moscow.
Baadhitaanka shaybaadhku waxa uu sannadkan (2003/2004) ilaa imminka muujinaayaa in
nooca ugu weyn ee dadka ku dhex wareegayaa yahay nooca A (H3N2) oo u eeg nooca
Fujian. Waxa kani wax yar ka duwan yahay nooca A (H3N2) ee u eeg Panama, kaasoo ku
dhex wareegayay Boqortooyada Midowday (UK) sannadahan dambe.
Cilad-sheegid
Caadi ahaan qof qaba ifilada ayaa cilad-sheegid sameeya oo sheega waxa haya ama
Dhakhtarka Guud (G.P.) ayaa cilad-sheegid sameeya iyadoo ay ku saleysan tahay
calaamadaha caanka ah ee cudurka. Badanaa looma baahdo baadhitaano kale oo cilad
baadhis ah haddii aanay jirin dhibaatooyin soo kordhay.
Caadi ahaan Dhakhtarka Guud (G.P.) ma sheegi karo fayraska saxda ah ee keenaya
calaamadaha u eeg kuwa lagu yaqaano ifilada. Ulajeedada weyn ee laga leeyahay
baadhitaanka shaybaadhka ama labaratoriga waxa weeye in la garto noocyada iyo
namuunada fayraska ifilada ee bulshada ku dhex wareegaya. Si taa loo ogaado, waxa
lagama-maarmaan ah in la sameeyo abuur fayras. Waxa abuurkaa laga qaadaa sanka ama
cunaha iyadoo la isticmaalo suuf.
Haddii la tuhunsan yahay cudur kale (sida cudurka keenada ama malaariyada oo lagu
tuhmo qof dhawaan ka soo noqday meel kaneecado ku badan tahay), waxa markaa
lagama-maarmaan ah baadhitaano kale ama sii-gudbin.
Daaweyn