Flu_Som_Proofed | Somali | Translated March 05
Page 4 of 8
© NHS Direct 2005
Dadka intiisa badan ee caafiqaadqaba waxay iska daaweyn karaan calaamadaha ifilada
iyagoo isticmaalaya daawooyinka caadi ahaan laga helo farmasiiyada (Eeg
Hargabka). Antibiyootikada looma qoro ifilada sababta oo ah waxba kama taraan
fayrasyada. Waana dhif in loo baahdo iyadoo ay jiraan dhib-korodh u baahan in wax laga
qabto mooyaane, sida caabuqid laabta ah ama nuumooniya (pneumonia).
Waxa caadi ahaan lagu taliyaan in dadka sida kale u caafimaad qaba ay joogaan guriga in
alaale inta ay qabaan calaamadaha daran, taasoo ah caadi ahaan laba ilaa saddex
malmood ka dib marka calaamadaha darnaantoodu hoos u dhacdo. Waxa muhiim ah in la
cabo cabbitaano badan iyo in calaamadaha loo daaweeyo hadba sidii lagama-maarmaan
ah. Haddii ay qandho ama xumad jirto, mari biyo diiran adigoo isticmaalaya maro. Eeg
maqaalada Aqoon-koobaha (encyclopaedia) ee ku saabsan hargabka, cune xanuunka iyo
qufaca si aad u ogaatid sida nafisaad loogu helo calaamadaha.
Waxa laga yaabaa in Dhakhtarka Guud (G.P.) uu qoro daawooyinka hoos ku taxan haddii
qofku uu halis gaar ah u yahay dhibaatooyin yimaada iyo haddii la og yahay in Ifilada nooca
A iyo B ay ku dhex wareegayaan beesha.
Waxa jira tilmaamo caafimaad oo dhakhaatiirta tilmaan ka siiya daaweynta ifilada. The
National Institute for Clinical Excellence (NICE) (Machadka Qaran ee Wanaagga
Caafimaadka) ayaa waxa uu soo saaray tilmaan-bixino ku saabsan isticmaalka daaweynta
gaarka ah ee loogu talogalay dadka halis u ah dhibaatooyin soo kordha (Eeg Tixraaca (1)).
Daaweynta ifiladu ma aha mid lagaga bogsanayo ifilada laakiin waxay yareyn kartaa
darnaanta iyo muddada ay jirayaan calaamaduhu iyo cudurku.
Zanamivir iyo oseltamivir waa daawooyin lid ku ah fayraska, kuwaasoo wax ka tara
fayrasyada A iyo B. Habka ay u shaqeeyaan waxa weeye iyagoo fayraska ka joojiya inuu
jidhka ku tarmo. Waa in labadoodaba la qaato gudaha 48 saacadood marka ay
calaamaduhu bilaabaan si ay u hawlgalaan.
Zanamivir waxa la qaataa iyadoo ah budo lagu nuugo qalab la yidhaahdo `diskhaler.'
Qadarka qaadashadu waa laba nuugis laba jeer maalinta muddo ah 5 malmood. Dadka
intiisa badani si amaan ah ayay u qaadan karaan zanamivir. Haddii ay horeba u qabeen
neef ama dhibaatooyin kale oo sambabka ah waxay taasi keeni kartaa neefta oo qofka
qabata, waana in la isticmaalo dawo nuugis ah oo nafisaad keenaysa haddii taasi dhacdo.
Oseltamivir waxa laga qaataa afka iyadoo ah hal kiniin ah laba jeer maalintii muddo ah 5
malmood. Dadka intiisa badani si amaan ayay u qaadan karaan Oseltamivir. Hase
yeeshee qadar qaadasho oo yar yaa la qori doonaa haddii qofku leeyahay cudur kalyaha
ah. Oseltamivir waxay keeni kartaa lallabo, matag, calool-xanuun iyo shuban.
Waxyeellooyinkaasi waa inaanay noqon kuwo culus laakiin haddii ay culus yihiin, waa inaad
aragtid Dhakhtarkaaga Guud (G.P.).
Ka-hortagga ifilada iyadoo la isticmaalayo mid ka mid ah daawooyinkaa laguma talinayo
marna marka laga reebo marka ay jirto aafo cudur. Xilliga ay socoto ifiladu, NHS si aad ah