background image
Flu_Som_Proofed | Somali | Translated March 05
Page 5 of 8
© NHS Direct 2005
ayay ula socota heerarka ifilada waxana ay dhakhaatiirta ogeysiin doontaa haddii loo
baahan yahay in la qaado talaabooyin kale si loo joojiyo fidista cudurka.
Amantadine waa daawo kale oo afka laga qaato, taasoo wax ka tarta kaliya fayraska ifilada
nooca A. Waqtigan ma ah mid lagu talinayo qaadashadeeda si loogu daaweeyo ifilada
laakiin waxa la isticmaali karaa marka ay jiraan xaalado caadiga ka baxsan haddii aan la
heli karin daawooyin kale oo haboon.
Daawooyinka Ifilada
Haddii aad qaadatid mid ka mid ah daawooyinka hoos ku taxan oo aad u qaadatid xaalad
kale (aan ahayn ifilada) ama haddii daawadaada ifiladu aanay kor ku taxnayn la hadal
dawo-qorahaaga, Dhakhtarkaaga Guud (GP) ama farmasiilaha ama la xidhiidh NHS Direct
0845 46 47
Barahan u-sii-gudubka ah ee hoose iska leh Datapharm Communications waana ay ka
baxsan yihiin xukunka tifaftirka ee NHS Direct Online.
Agrippal
Begrivac
Fluvirin
Influenza split virion inactivated vaccine
Influvac
Mastaflu
Relenza
Tamiflu¬Amantadine
Fluarix
Inflexal
Influenza surface antigen inactivated vaccine
Lysovir
Oseltamivir
Symmetrel
Zanamivir

Dhib-korodh

Dhib-korodhka ugu badani waa caabuquid laabta ah oo bakteeriya keento, taasoo labeysa
cudurka fayraska. Marmarka qaarkood, waxay taasi noqon kartaa mid culus oo noqota oof-
wareen ama nuumooniya (pneumonia). Waxa badanaa taa lagu daaweeyaa qaadasho
daawo ah antibiyootiko, laakiin marmarka qaarkood waxa cudurkaasi noqon karaa mid nafta
halis galinaya, gaar ahaan dadka taag daran ama waayeelka ah. Dhibaatooyin kale oo
culus iyaga badanaa lama arko.
Marmar dhif ayay ifiladu waxay keeni kartaa qando ama xumad sare, barankiito xun,
maskax-barar (encephalitis) iyo oof-wareen ama nuumooniya (pneumonia).