Flu_Som_Proofed | Somali | Translated March 05
Page 6 of 8
© NHS Direct 2005
Halista dhibaatooyin iyo cuduro culus waxay ku sii badan yihiin dadka ka tirsan kooxahan
soo socda:
·
Dadka jira 65 ama ka weyn
·
Nuunuuyada iyo ilmaha yaryar
·
Dadka qaba xaalado caafimaad oo gaar ah (sida cudurada wadnaha, sambabka
ama kelliyaha oo muddo dheer jiray, sonkor, ama dadka uu daciif yahay habkooda
difaacu iyadoo sababtey daaweyn ay qaataan ama cudur)
·
Dadka ku nool hoy muddo dheer la joogayo ama hoy daryeel waayeel halkaasoo
laga yaabo in fayrasku si dhakhso ah ugu fido
Ka-hortagga
Waxa lagu talinayaa in talaal caadi ah loo sameeyo dadka ka tirsan kooxahan soo socda:
·
Dhamaan dadka jira 65 ama ka weyn
·
Qof kasta oo ka weyn 6 bilood oo leh: Cudur marin neefsasho oo muddo dheer jiray,
sida neefta ama asmada, sambab barar (emphysema), barankiito muddo dheer jirtay
iyo cudurka wadnaha ee loo yaqaano sistik faybrowsis (cystic fibrosis); cudur wadne
oo muddo dheer jiray, cudur kalo oo muddo dheer jiray ama qof kasta oo laga sifeeyo
kelliyaha (dialysis), Sonkor ama kaadi macaan, dadka leh hab difaac oo dafiic ah
sababta oo ah daweyn ama cudur
·
Dadka ku nool hoy muddo dheer la joogayo ama hoy daryeel waayeel halkaasoo
laga yaabo in fayrasku si dhakhso ah ugu fido
Talaalka waxa la siinayaa dadka iyadoo aan laga qaadin lacag.
Waa in talaalista la sameeyo dayrta (Bisha Tobnaad/Horaanta Bisha Kow iyo Tobnaad)
iyadoo ah duris ama mudis.
Waxa la hayaa talaalka lidka ifilada, oo lid ku ah noocyada cusub ee fayraska A iyo B,
waana mid waxtar leh qiyaastii boqolkiiba 75. Haddii qof la talalaalay ay ku dhacdo ifilo,
waxay badanaa noqotaa nooc khafiif ah.